Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Madaxweyne Farmaajo oo Sacuudi Carabiya ku wajahan

Madaxweyne Farmaajo oo Sacuudi Carabiya ku wajahan

Muqdisho – (Madal Furan) Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo inuu u ambabixi doono dalka Sacuudi Carabiya saacadaha soo socda, kadib markii uu marti qaad ka helay Boqorka Sacuudiga.

Weli si rasmi ah looma oga ujeedadda martiqaadka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ay ugu yeertay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaase warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in Boqortooyadu ay dooneyso inay qaboojiso xiisadda siyaasadeed ee ay ku sii kala fogaanayaan dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wefdi la socday ayaa xiligan waxay booqasho ku joogaan dalka Sacuudiga, kuwaasoo loo maleynayo inay u sii gogol xaarayaan socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu ku imaan doono dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Dhexdhexaadinta ay dowladda Sacuudigu ku dooneyso inay ku dhex gasho Somaliya iyo Imaaraadka ayaa waxaa ka dhalan doona hadalo badan oo la xiriira barnaamijyada ay Imaaraadka Carabtu ka wadaan gudaha Soomaaliya iyo sidii loo maareeyn lahaa.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *