Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Somaliland oo dacweysay hawadda Soomaaliya ay maamuleyso

Somaliland oo dacweysay hawadda Soomaaliya ay maamuleyso

Muqdisho (Madal Furan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo booqasho ku jooga magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya ayaa hayaddaha Qaramada Midoobey u gudbiyey qoraal uu ka siday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Aw Cabdi.

Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Somaliland ay codsaneyso in dib loo dhigo heshiiskii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu ogolaaday in lagu wareejiyo maamulida hawadda Soomaaliya, waxaana qoraalku muujiyey inuu jiray wadahadal u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland oo ku saabsanaa saami qaybsiga dakhliga hawadda Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxay ku adkeysaneysaa inaysan aqbali doonin in hawadeeda laga maamulo gudaha waddanka soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen inay dhabarjab ku noqoneyso madax-banaanida maamulka is-magacaabay ee Somaliland.

Dhowaan ayaa Dowladda Federaalka Soomaalkiya la soo wareegtay gacan ku haynta iyo maamulida hawadda Soomaaliya, waxaana mahgaaladda Muqdisho dib ugu soo laabtay shaqaalihii hagi jiray diyaaradaha maraya hawadda soomaaliya, kuwaasoo mudo dheer xafiis ku lahaa magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *