Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Khamiista oo ay kulmayaan Baarlamaanka DFS iyo Khilaafkii Jawaari iyo Muudey oo go’aan laga gaaray

Khamiista oo ay kulmayaan Baarlamaanka DFS iyo Khilaafkii Jawaari iyo Muudey oo go’aan laga gaaray

Muqdisho (Madal Furan) – Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in la xaliyey khilaafkii u dhexeeyey Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Kowoaad ee Baarlamaanka DFS, kadib markii uu maanta baaqday kulankii golaha Baarlamaanka oo sabab looga dhigay fariimo iska soo horjeeda oo ay Guddoonka Baarlamaanku u kala direen Xildhibaanadda.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in maalinimada Khamiiste ee beriya si toos ah loo iclaamiyey in Xildhibaanadu isugu yimaadaan kulanka Golaha waxaana shir-gudoominta Golaha loo xilsaaray Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad C/weli Muudeey.

Lama sheegin cidda dhexdhexaadisay balse waxaa loo maleynayaa in ay qayb ka tahay waanwaantii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay Madaxtooyadda Villa Somaliya ka socday ee ay ka dhalatay iscasilaada Guddoomiye Jawaari.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.