Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Dowladda Baxreyn oo ku soo biirtay xiisadda Soomaaliya, sheegtayna in Imaaraadka Carabta ay Somaliya ka abaal dhacday

Dowladda Baxreyn oo ku soo biirtay xiisadda Soomaaliya, sheegtayna in Imaaraadka Carabta ay Somaliya ka abaal dhacday

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Baxreyn Sheikh Khaalid Binu Ahmed Al-khaliifa ayaa bogiisa Twitterka kaga hadlay khilaafka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii ay dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigtay Lacag 10 Milyan ku dhow oo la socotay diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Sheikh Khaalid Binu Ahmed Al-khaliifa ayaa dowladda Soomaaliya wuxuu ku eedeehyey in ay sameysay abaal kadhac, maadaama Imaaraadku ay abaal ku lahaayeen dalka Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ilowday wanaagii iyo waxtarkii ay dowladda Imaaraadku u horay ugu gashay.

Wuxuu sharaxa Wasiirku Abaalka ay dowladda Imaaraadku ku leedahay dalka Soomaaliya, wuxuuna ku sifeeyey inay isugu jireen kaalmo aadananimo, la dagaalanka Burcad Badeeda iyo iyadoo waddanka Imaaraadku uu dhowr goor marti geliyey kulamo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Hadalka Sheekh Khaalid ka soo baxay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili dowladda Imaaraadka Carabtu ay la daalaa dhacayso jalaafooyinka siyaasadeed ee ay kala kulmayso gudaha waddanka Soomaalia.

Lama garan karo sababta ay dowladda Baxreyn  u dhaliishay dowladda Soomaaliya, balse waxay xubin muhiim ah ka tahay xulufada waddamada  Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta tan iyo wixii ka danbeeyey khilaafkii soo kala dhex galay dowladdaha Khaliijka Carabta.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *