Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Imraadka Carabta oo sharci darro ku tilmaamay lacagtii ay la wareegtay dowladda Soomaaliya

Imraadka Carabta oo sharci darro ku tilmaamay lacagtii ay la wareegtay dowladda Soomaaliya

Abu Dhabi (Madal Furan) – Wasaaradda Arrimaha dibadda ee  Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo saartay war ay ku muujinayaan siday ay uga xun yihiin tallaabaadii ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag u socotay ciidamada Soomaaliya iyo xayiraadda diyaaradii siday.

Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka ayaa cambaareeysay falkii Axadii 8-da bishan April ay dowladda Soomaaliya kula dhaqmeen diyaarad rakaab ah oo dowladda Imraadka Carbta u diiwaan gashan oo ay la socdeen 47 qof,  iyo iyadoo ay wareegeen lacag loogu talogalay taageerada ciidamada Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta  ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay hub ku handadeen dadkii diyaaradda la socday oo ay ka mid ahaayeen ciidamada Imaaraatiyiin ah.

Arrintaan ayay sheegeen inay dib-u-dhac ku ku keentay duulimaadkii diyaaradda mudo saacado ah. “Lacagtan waxay ahayd mid ku timid iskaashi milateri oo labada dal kala saxiixdeen Novembar sanadkii 2014, taasoo lagu bixinayo mushaharka ciidamada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta.

“Tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo kasoo horjeeda xeerarka iyo habraaca diblomaasiyadeed ee dowladuhu ku macaamilaan, isla markaana jebineysa heshiiska labada dal ka dhaxeeyay iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa sidoo kale lagu yiri warkan oo ay faafisay Wakaalada wararka Imaaraadka oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka.

Waxaa aad u soo kordhaya isku dahcyada siyaasadeed ee dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ka dhex curanaya iyadoo ay weli taagan tahay go’aankii ay Golaha Baarlamaanka DFS ay dalka kaga mamnuuceen shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *