Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari oo shir wadajir ah qabtay markii ugu horeeysay

Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari oo shir wadajir ah qabtay markii ugu horeeysay

Muqdisho (Madal Furan) – Magaaladda Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Guddoomiyahii Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cussmaan Jawaari, waxayna ka hadleen iscasilaada dhowaan la shaaciyey  Mudane Jawaari

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu beri oo Arbaca ah uu si rasmi ah hadal ku aadan iscasilaadiisaa uu ka jeedin doono Golaha Baarlamaanka hortiisa, wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay in wax walba ay ka wanaagsan tahay in danta guud ee dowladnimada la ilaaliyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isaguna si weyn ugu aamnay Guddoomiye Jawaari aqoontiisa, waaya aragnimadiisa iyo dulqaadka uu muujiyey, wuxuuna ku tilmaamay go’aanka uu qaatay inuu ahaa mid taariikhi ah oo aan wax shuruud ah ku xirneyn.

Hoos ka daawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *