Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Guddoomiyihii ururka Al-shabaab ee gobolka Galgaduud oo xilkii laga qaaday

Guddoomiyihii ururka Al-shabaab ee gobolka Galgaduud oo xilkii laga qaaday

Cadaado (Madal Furan) – War ka soo baxay Maamulka Guud ee ururka Al Shabaab ayaa xilkii looga qaaday  Guddoomiyihii Al-shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali, waxaana munaasibadan oo ka dhacaya magaaladda Ceel-buur lagu sheegay in talaabadaasi ay tahay mid isbedel looga sameynayo hogaanka gobolka Galgaduud.

Nin magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid ayaa loo magacaabay xilkaas wuxuuna kala wereegay Guddoomiyihii hore xilka cusub ee loo magacaabay.

Abu Khalif ayaa ballan wuxuu ku qaaday in uu la imaan doono isbedel iyo wax-qabad baaxad leh mudada uu ahaan doono Guddoomiyaha Xarakadda Al-shabaab ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub ayaa xilka ururka Al-shabaab uga hayey mudo Shan sanadood ah, wuxuuna iminka geliyaa nasasho.

Gobolka Galgaduud deegaamo ka tirsan ayaa waxaa gacanta ku haya ururka al-shabaab waxaana jira dagaalo xiliyada qaarkood ay la galaan ciidamadda ka soo horjeeda oo ay kuwa Itoobiya ka mid tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.