Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Shirkadda DP World oo si adag ugu hanjabtay dalka Jabuuti

Shirkadda DP World oo si adag ugu hanjabtay dalka Jabuuti

Madal Furan – Masuuliyiinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa jeediyey hadalo hanjabaad ah oo ay u dusiyeen dowladda dalka Jabuuti, wixii ka danbeeyey markii dowladda Jabuuti ay dalkeeda ka eriday  shirkadda DP World oo ay heshiis kula gashay inay maamulaan dekedda Dooraaleh ee magaaladda Jabuuti.

Wargeys ka hadla arrimaha dekeddaha caalamka ayaa waxaa uu qoray warbixin uu ka soo xigtay masuuliyiin ka tirsan shirkadda DP World, waxaana lagu sheegay in ay shirkadaasi ay digniin adag u dirtay dalka Jabuuti, waxayna uga digeen in aanay u dul qaadin doonin in dowladda Jabuuti ay heshiis kula gasho dekedda Dooraale shirkad kale oo Ajnebi ah.

Waxaa kaloo kaloo ay si qoto dheer uga hadleen heshiiskii ay shirkadda DP World la gashay dalka Jabuuti inuu ahaa mid ku qotomo sharciyada caalmiga ah, ayna shirkadda u furan tahay inay dacwad ka gudbiso, maadaama uusan weli dhamaan mudada heshiiska ee Labada daraf kala saxiixdeen

Dowladda Jabuuti ayaan weli wax war ah ka soo saarin hanjabaadaha shirkadda DP World ay u jeedisay, waxaase la xaqiijinayaa in dowladda Jabuuti ay goor hore heshiis la gashay shirkad daabusha Konteenarada oo laga leeyahay dalka Singabuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *