Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > DIGREETO:-Puntland oo duq magaalo u magacowday Laascaanood oo somaliland ka taliso

DIGREETO:-Puntland oo duq magaalo u magacowday Laascaanood oo somaliland ka taliso

Garoowe (Madal Furan) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Caamey) ayaa soo saaray maantay wareegto uu Duqa degmadda Laascanoodl ugu magacaabay C/qani Makhtal Maxamed Garaad.

Wuxuu kaloo Madaxweyne ku xigeenku qoraalkiisa ku sheegay in shaqadii laga joojiyey Duqii hore ee degmada Laascaanood Cabdalle Xaaji Warsame.

Magaaladda Laascaanood ayaa ah mid gacanta ugu jirtay mudo sanado badan ah Maamulka Somaliland, mana jiraan wax shaqo ah oo ay ka qabtaan hayaddaha dowliga ah ee Puntland.

Haddaba, magacaabista iyo xil-ka-qaadista uu Mudane Caamey ku sameeyey degmadda Laascaanood ayaa ah mid ka yaabisay dad badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *