Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Guddoomiye Jawaari oo la sheegay inuu waddanka Turkiga degi doono

Guddoomiye Jawaari oo la sheegay inuu waddanka Turkiga degi doono

Muqdisho (Madal Furan) – Iyadoo uu Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka DFS Maxamed Sh. Cumaan Jawaari oo bartiisa Facebooga ku caddeeyey sababta uu isu casilay oo ku yiri “waxaan garwaaqsaday inta ay burburi laheyd dowladda Soomaaliya in aan iska casilo xilka aan u hayey Golaha Shacabka”.

Warar hoose oo ay helayso Madal Furan ayaa sheegaya in kulankii saacadaha badan xalay gelinkii danbe ka socday Madaxtooyadda Soomaaliya Guddoomiye Jawaari looga aqbalay shuruudo badan oo uu ku xiray iscasilaadiisa.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo shuruudahaas ka soo baxay, waxaase ilo Madaxtooyadda u dhow dhow ay Madal Furan u sheegeen in Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka ay dowladda Turkigu aqbashay inay siiso degenaasho inta ka harsan noloshiisa.

Waxaa kaloo soo baxaya warar sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu isu diyaarinayo inuu maalinimada Arbacada 11 bishan Abril uu khudbadiisii ugu danbeysay u jeedin doono Golaha Baarlamaanka DFS.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.