Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Xildhibaanadda Xisbiga Daljir oo si weyn uga carooday iscasilaadii Guddoomiye Jawaari

Xildhibaanadda Xisbiga Daljir oo si weyn uga carooday iscasilaadii Guddoomiye Jawaari

Muqdisho (Madal Furan) – Wararka laga helayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in ay bilowdeen shirar ay yeelanayaan Xildhibaanadii ku kala aragtida duwanaa mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanadii taageersanaa Guddoomiye Jawaari ayaa la rumeysan yahay inay hogaanka u hayeen Xubnaha Xildhibaanada ee ka soo jeeda Xisbiga Daljir, kuwaasoo la rumeysan yahay inay ahaayeen tiirka ugu adag ee Guddoomiye Jawaari cuskanayey.

Guddoomiye Jawaari ayaa is casilay isagoo aanw waxba ogeysiin xulufadiisa, waxaana arrintaasi lama filaan ku noqotay Xildhibaanadii taageersanaa badankood oo saaka ku soo waabariistay iscasilaadiisa.

Xildhibaano  la rumeysan yahay inuu ahaayeen kuwa ugu adag ee sida weyn u difaaci jiray Guddoomiye Jawaari iyo mabda’a xulufadaasu ay ka lahaayeen in la ilaaliyo Guddoomiye Jawaari ayaa la soo sheegayaa inay si weyn uga caroodeen falka uu ku kacay Gudoomiyihii ay difaacayeen.

Durba waxaa xarunta Villa Hargeysa ka bilowday kulamo deg deg ah oo looga tashanayo jihada cusub ee ay siyaasadooda ku hogaamin doonaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inuu Xildhibaanadaas isku dayey inuu qanciyo, balse arrintaasia waa mid ku adag inuu si sahlan ugu sheego sabab aysan ogeyn oo uu keligiis isku casilay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.