Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Shirar ka dhashay iscasilaadii Jawaari ka dib

Shirar ka dhashay iscasilaadii Jawaari ka dib

Muqdisho (Madal Furan) – Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia ayaa lagu soo waramayaa inay ka bilowdeen kulamo siyaasadeed wixii ka danbeeyey markii la ogaaday inuu iscasilay Guddoomiye Jawaari.

Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo, Guddoomiye Jawaari iyo Raysal Wasaare Kheyre ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan shir albaabadu u xiran yihiin.

Lama garan karo ujeeddada kulankaas, balse waxaa soo baxaysa hadal hayn ku wajahan in Madaxweyne Farmaajo uu qorsheynayo sidii uu Guddoomiye Jawaari ugaga mahadcelin lahaa go’aanka uu gaaray, iyo iyadoo Guddoomiye Jawaari uu ka codsanayo in cagta la mariyo dhamaan khilaafkii soo kala dhex galay Xildhibaanadda Baarlamaanka DFS, taasna uu gacan ka geysto.

Iscasimaalada Guddoomiye Jawaari ayaa la rumeysan yahay inay ka dhalatay dadaal ay sameeyeen Xildhibaano isaga taageersanaa iyo bulshadda Caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.