Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:-Haan weyn oo daboolan oo ka soo caarisay dekedda Ceel Macaan oo sun looga shakiyey

SAWIRO:-Haan weyn oo daboolan oo ka soo caarisay dekedda Ceel Macaan oo sun looga shakiyey

Ceel Macaan (Madal Furan) – Xeebta deegaanka Ceel Macaan ee gobolka Sh/dhexe ayaa maanta waxaa ka soo caarisay haan aad u weyn oo lingaxan oo aan la aqoon waxa gudaheeda ku jira.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka maamulka Hirshabeelle Xuseen Tuuryare iyo masuuliyeen kale ayaa tegay halka ay haantaasi ka soo caarisay, waxayna dadweynaha uga digeen inaysan u dhowaanin haantan maadaama aan weli la ogeyn waxa gudaheeda ku jira.

Wasiirka Ku xigeenka ayaa sheegay inay dhici karto inay ku jirto maado sun ah oo sababi karta inay nolosha dadka aadanaha ah dhibaato u geysato.

Halkan ka daawo sawirada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.