Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Jawaari iyo Muudeey oo qaatay go’aanka “Isku daalnaye maxaa noo dana”

Jawaari iyo Muudeey oo qaatay go’aanka “Isku daalnaye maxaa noo dana”

Muqdisho (Madal Furan) Wararka laga helayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Labadii garab ee isku hayey mooshinka xil kaqaadista Guddoomiye Jawaaro ayaa iminka qaadeen hal tallaabo oo horumar ah, kadib markii ay magacaabeen Guddi ka kooban Labada dhinac oo xal ka keena arrimaha la isku hayo.

Labadan Guddi ayaa la soo sheegayaa inay kulmi doonaan saacadaha soo socda, kuwaasoo ka kooban tiro is le’eg oo dhiniciiba ay ka socdaan 7 xubnood, waxaana si toos ah u soo magacaabay Guddiyadan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee BDFS  Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Magacaabista Guddiyadan ayaa waxay ku soo beegmeen xili quus laga joogo xal u helida khilaafka ka dhex aloosan Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya, iyo iyadoo Bulshadda Caalamku ay walaac ka muujisay halka uu ku danbeyn doono muranka siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya soo wajahay.

Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo oo la filayey inuu noqon karay ninka iska leh go’aanka ugu danbeeya ee xal ka gaarista marka ay dhacaan arrimahan oo kale ayaa ilaa iminka ka aamusan xaaladda qalafsan ee soo wajahday Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Haseyeeshee, wararka laga helayo madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Guddi ka socday Guddoomiye Jawaari ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo kala hadlay xal u helida xiisada siyaasadeed ee Baarlamaanka haraysay.

Hadda oo garabyadda Baarlamaanku ogaadeen inaysan ku kala adkaan karin Qoddobadda Dastuurka oo qoloba siday jeceshahay u adeegsaneyso ayaa u muuqda inay dantu meel isugu keentay.

Lama saadaalin karo natiijadda ka soo bixi doonta Guddiyadan loo xilsaaray xalinta Khilaafka Baarlamaanka, waxaase dadka siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen horumar bilowgiis oo ay Baarlamaanku ka sameyeen xalinta khilaafkooda.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *