Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Taliyihii Ilaaladda Villa Somaliya oo xilkii laga qaaday (Ogow sababta)

Taliyihii Ilaaladda Villa Somaliya oo xilkii laga qaaday (Ogow sababta)

Muqdisho (Madal Furan) – Warar laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa xilkii laga qaaday Taliyihii Ururka 60aad ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada G/sare Axmed Maxamed Cali (Afcadeey).

Taliyaha ayaa lagu soo waramayaa inuu eersaday ciidamadii Madaxtooyadda qaarkood oo kulankii Baarlamaanka ee subaxnimadii shalay ay gudaha u galeen xarunta Baarlamaanka kuwaasoo ilaalinayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Taliye Afcaddeey ayaa xil ka qaadistiisa lagu eedeeyey in ciidamadii uu isagu xukumay ay ka hor istaageen inuu gudaha u galo xarunta Baarlamaanka, kuna sameeyeen amar diido.

Taliyahu ayaa la sheegay in uusan soo gudbin amar diida ay ku sameeyeen ciidankiisu isla markaasna uusan wax tallaabo ah ka qaadin.

Tiro ka mid ah ciiddankaas ayaa la soo werinayaa in xabsiga loo taxaabay lalana sugayo in Maxkamadda ciidamadda la horgeyn doono si loogu qaado denbiga loo haysto.

Ilaa iminka ma cadda sababta ka danbeysa in la xirxiro ciidamadii Ilaalada u ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka oo weli aan si sharci ah xilka looga qaadin.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.