Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO: Dhurwaa weerar ku qaaday wiil arday ah degmada Widh Widh

SAWIRO: Dhurwaa weerar ku qaaday wiil arday ah degmada Widh Widh

Widhwidh (Madal Furan) – Wararka laga helayo deegaanka Widh Widh ee gobolka Sool ayaa sheegaya in wiil yar oo arday ah uu Dhurwaa ku weeraray magaaladda gudaheeda xili uu u sii jeeday Iskuulka uu wax ka barto.

Dhurwaaga ayaa la sheegay inuu wiilka yar uga soo baxay meel jeexdin biyo mareen ah, isla markaasna uu afka la helay mid ka mid ah gacmaha wiilka yar, isla markaasna uu dhaawac weyn u geystay.

Dadka deegaanka Widhwidh ayaa u soo gurmaday Ardaygaas, waxayna rasaas ku dileen Dhurwaagaas oo loo aqoonsaday inuu ahaa mid dad cun ah.

Xayawaanka duur-joogta ah ayaa badanaa waxay isu bedelaan dad cun marka uu daba dheeraado jiilaalka oo ay waayaan wax ay cunaan.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *