Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland ee Khamiista oo lagu sheegay in Somaliland aysan haysan doonin dhul ay Puntalnd leedahay

Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland ee Khamiista oo lagu sheegay in Somaliland aysan haysan doonin dhul ay Puntalnd leedahay

Garoowe (Madal Furan) – Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland ayaa maanta digniin loogu diray Maamulka Somaliland oo lagu eedeeyey inay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka sool.

Goluhu wuxuu kaloo lagu soo hadal qaaday wax loogu yeeray Hadalo deel qaaf ah oo Somaliland ay ku sheegeen in dowladda Federaalka ahi ay ciidamo keentay meelo ka mid ah Puntland, waxaayna ku tilmaameen in maamulka Hargeysa uu uga danleeyahay hadalada aan raadka laheyn marmarsiiyo uu ugu qiil dayeyo dhulka iyo shacabka ay ku soo duuleen.

Waxaa qoraalka shirka Golaha Wasiiradda Puntland lagu sheegay in marain habaabinta maamulka Somaliland ay ka mid tahay in shacabka goboladda W/galbeed iyo Togdheer uu colaad Puntland u qabto u muujinayo, waxayna ugu baaqeen shacabkaas in Maamulka Puntland uusan wax colaad ah u haynin diidaneyna degenaashahooda iyo horumarka goboladdaas.

Ugu danbeyntii, kulankii maanta ee Golaha Wasiiradda Puntland ayaa laga soo jeediyey hanjabaad aad u adag oo sheegysa in Somaliland aysan haysan doonin dhul ay Puntland leedahay.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *