Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Wax ka ogow sababta ay Wefdi Beesha Caalamka ka socda Muqdisho u tegeen

Wax ka ogow sababta ay Wefdi Beesha Caalamka ka socda Muqdisho u tegeen

Muqdisho (Madal Furan)   –  Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho waxaa goor dhowyd ka soo degay wefdi ka socday Beesha Caalamka, waxayna wefdigani isugu jiraan Xubno sarsare oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Waddamadda dhaqaalaha ku bixiya arrimaha Soomaaliya.

Wefdigan ayaa la xaqiijiyey inay u gudbeen xarunta Xalane halkaasoo ay degan yihiin ciidamadda Nabad ilaalinta AMISOM iyo Hayado kale, waxaana la filayaa inay kulamo la qaadan doonaan wakiiladda horay ugu joogay Soomaaliya oo si qoto dheer uga war haya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya halka ay mareyso.

Wefdigan ayaa sidoo kale la rajeynayaa inay la kulmi doonaan Madaxweyne Farmaajo, Raysal Wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Jawaari iyo Ku xigeenkiisa 1aad, isla markaasna kala hadli doonaan sidii loo qaboojin lahaa xiisada siyaasadeed ee soo dhex gashay Dowladnimada Soomaaliya.

Warar ay Madal Furan horay uga heshay ilo Doblomaasiyadeed ayaa sheegay inuu jiray shirar horudhac ah oo Beesha Caalamku ka yeesheen arrimaha ka soo cusboonaaday waddanka Soomaaliya.

Ajandaha Beesha Caalamka ay ka damacsan yihiin Soomaaliya ayaa ah in marka hore ay Madaxda Soomaalidu ogolaadaan inay xaaladda ku soo celiyaan side hore, isla markaasna wax walba loo saxo sida uu qabo Dastuurka DFS.

Haddii ay talo soojeedintaasi ay socon waydo ayaa Xubnaha Beesha Caalamku doonayaan inay wax ku xaliyaan khibradii laga soo bartay dowladihii ka horeeyey midaan oo is-qabqabsigoodu uu ahaa mid soo noqnoqday balse mar walba Beesha Caalamku dhameyn jirtay.

Waxaa la maleynayaa in qoddob muhiim ah oo aan horay u dhicin uu ku soo kordho dhexdhexaadinta Beesha Caalamka kaasoo ah In la kala diro Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DFS, isla markaasna la quweeyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, lana siiyo mushahar fiican oo gaaraya 10,000 (Tobban Kun oo Doolar) Xildhibaankiiba.

Waxaa sidoo kale fajicso noqon doonta in masraxa siyaasadda ay Beesha Caalamku wataan in laga saaro Raysal Wasaare Kheyre oo gacanta ugu weyn ku lahaa ololinta mooshinka muranka dhaliyey ee Guddoomiye Jawaari xilka looga rabay.

Dad badan oo siyaasiyiin ah ayaa qaba in tallada ugu wanaagsani ay tahay in Madaxweyne Farmaajo uu qaato go’aan geesinimo leh oo dhameyn karta muranka siyaasadeed ee dowladiisa ka dhex aloosan, balse tallo soo jeedinta Beesha Caalamku ay noqoneyso mid wax weyn u dhimeysa Qaranimada iyo Dowladnimada Soomaaliya.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *