Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Firinbiga colaadda oo ka qayblinaya jiida u dhexeysa Puntland iyo Somaliland

Firinbiga colaadda oo ka qayblinaya jiida u dhexeysa Puntland iyo Somaliland

Tuka Raq (Madal Furan) – Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa socday baqdin laga qabo in dagaal uu ka  dhex qarxo ciidamadda Somaliland iyo Puntland ee isku horfadhiya duleedka tuuladda Tuka Raq ee Gobolka Sool.

Tuuladda Tuka ayaa waxaa ciidamadda Somaliland ka qabsadeen Puntland 8dii Feberaayo ee sanadkan 2018, xiligaasoo Somaliland ay sheegtay inay ku durugtay xuduuda ay waddanka Soomaaliya la leedahay.

Maamulada Puntalnd iyo Somaliland ayaa jiida tuuladda Tuka Raq wixii xiligaas ka danbeeyey isugu geeyey ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan hubka waaweyn ee ay ka mid yihiin Kaarayaasha, BM-ka, Beebaha iyo hubka lidka diyaaradaha balse waayadan danbe looga qayb qaato dagaalka dhulka.

Dowladdaha jaarka la ah Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Itoobiya ayaa isku dayey inay baajiyaan dagaal Labada Maamul ka dhex qarxa, waxaana ay codsadeen in qolo walba ay dib ugu noqoto halkii ay horay u kala joogeen, balse dadaalkaas ayaa la shegay inuu miro dhali waayey.

Ma jirto cid ku kala dhex jirta Labada maamul ciidamadda ay halkaas geeyeen, laakiin waxgaradka deegaamadda Puntland oo ay Culimadda Diintu ugu horeyso ayaa dhowr goor ku baaqay in la joojiyo wax walba oo dagaal dhalin kara.

Madaxweynaha Somaliland ayaa saxaafadda u sheegay in xuduuda ay Soomaaliya la leeyihiin ay masaafo aad u hyar u jirto magaaladda Garoowe, balse ay ciidamadoodu joogi doonaan tuuladda Tuka Raq iyadoo maamulka Somaliland uu xeerinayo inaysan aad ugu dhowaan magaaladda Garoowe oo Caasimad u ah maamulka Puntland.

Madaxweyne Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaan weli laga haynin wax hadal ah oo ku wajahan Tuuladda Tuka Raq oo ka baxday gacanta maamulkiisa balse wuxuu si xaladeysan oo qiiro leh u yiri xiligii ololaha doorashadiisa “Laascaanood Faataxo laguma qabsan kumana soo noqoneyso”.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, ciidamadda maamulka Somaliland ayaa dhufeyso adag waxay ka qoteen agagaarka tuuladda Tuka Raq, kuwaasoo isu diyaarinaya inay iska caabiyaan weerar kaga yimaada dhinaca Puntland.

Puntland ayaa dhinaceeda iyaduna dhufeyso kuwaas la mid ah ka qotay meel aan wax badan u jirin tuuladda lagu muransan yahay.

Shalay iyo maanta ayaa la arkayey ciidamadda Somaliland oo ka guuraya dhufeysyadii ay horay u qoteen maadaama ay ku yaaleen jeexyo biyo mareen ah, isla markaasna laga baqayo in roobka Gu’gu uu biyo badan ku soo fataho jeexyada iyo balliyada deegaanka Tuka Raq.

Sidoo kale ciidamadda Puntland ayaa qudhoodu isu diyaarinaya inay ka gaashaantaan fatahaadaha roobka Gu’ga waxayna ciidamadooda u rarayaan goobo taag ah oo ay gaadiidka dagaalku kaga badbaadi karaan biyaha socda.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa soo kordhaya warar sheegaya in uu jiro abaabul dagaal oo sababi kara isku dhac ciidamadda Labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland kaasoo imaan kara xili walba.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.