Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Beesha Caalamka oo Laba qodob oo yaab leh ku cabiray xasilinta dhibaatada Soomaaliya

Beesha Caalamka oo Laba qodob oo yaab leh ku cabiray xasilinta dhibaatada Soomaaliya

Muqdisho (Madal Furan) – Warar ay Madal Furan ka heshay ilo doblomaasiyadeed ayaa sheegaya in kulan ay beesha Caalamku ku yeesheen habeenimadii xalay xarunta Xalane ay kaga hadleen dhibaatada siyaasadeed ee soo wajahday Dowladda Soomaaliya, kadib markii ay Xildhibaanadda DFS ay ku kala qaybsameen mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiye Jawaaro.

Wakiilada Qaramadda Midoobay iyo Dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya ayaa waxay soo jeediyeen in ay haboon tahay in la qaato Laba arrimood midkood si Dowladda Soomaaliya looga badbaadiyo burbur ku yimaada.

  1. In la kala diro Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna shaqadiisa lagu wareejiyo Aqalka Sare, iyadoo 50mXildhibaana la siinyo mushahar bille ah oo gaaraya 10,000 Doolar (Tobban Kun oo Doolar)
  2. In la qaato go’aankii Kambala Accord ee sanadkii 2011, go’aankaasoo uu meesha kaga baxay Raysal Wasaarihii dowladda Maxamed Claahi Farmaajo kadib markii ay is qabteen Baarlamaankii Dowladii KMG ee uu hogaaminayey Madaxweynihii Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Go’aamadan ayaysan caddeyn ilaa iminka midka ay bushada Caalamku u arkeen inuu noqon karo tallaabada ugu wanaagsan ee lagu badbaadin karo dowladda soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ah mid weli ku tiirsan taageeradda bulshadda Caalamka, iyadoo Bulshadda Caalamkuna ay u muuqato dhaqaalihii faraha badnaa ee ay ku bixiyeen dhismaha dowladnimadda Soomaaliya ayay ku adag tahay in meel Eber ah dib loogu celiyo hanaanka dhismaha dowladnimadda soomaaliya.

Khilaafka u dhexeeya Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray halkii ugu kharaareyd waxaana muuqata rajo beel laga qabo in la soo celiyo midnimadii Xildhibaanada Soomaaliya.

Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la rumeysan yahay inuu door aad u culus ku leedahay khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Beesha Caalamku diirada ku saareen inuu  qayb ka noqon karo ajandaha ay beesha Caalamku doonayaan inay madmadowga kaga saaraan wadashaqeynta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

Isha ku hay Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *