Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > DAAWO:-Gaadiidka dagaalka oo isku gadaamay xarunta Baarlamaanka DFS

DAAWO:-Gaadiidka dagaalka oo isku gadaamay xarunta Baarlamaanka DFS

Muqdisho (Madal Furan) – Ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka oo u muuqaal eg kuwa Milateriga Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamadda nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa waxay isku gadaameen xarunta Baarlamaanka DFS.

Ciidamadan ayaa dad badani ku tilmaameen in xaaladoodu tahay afgembi ay ku doonayaan inay kursiga uga tuuraan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo mooshinka ay Xildhibaanadu ka keeneen uu dhaliyey khalkhalka ka jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamadda AMISOM oo ay weheliyaan ciidamo Caddaan ah ayaa lagu soow aramayaa inay iyaguna gudaha u galeen hoolka shirka ee Xildhibaanadu ku sugan yihiin, kuwaasoo wata qoryaha diirada leh iyo Eeyo wax baara.

Waxaa jira shaki laga qabo in Xildhibaanada qaarkood ay saakadii hore hub la galeen xarunta Baarlamaanka, iyadoo Guddoomiye Jawaari iyo Ku xigeenkiisa 2aad Mudane Cawad ay iyaguna gudaha la galeen ciidamo Ilaalo u ah.

Weli si dhaba loo ogaan karo waxa ka socda gudaha Baarlamaanka, maadaama aysan jirin Saxaafad madax banaan oo ka soo warameysa muuqaalka dhabta ah ee Baarlamaanka.

Madal Furan Isha ku hay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *