Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Saxaafadda oo loo diiday kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo xiisadi ka dhex taagan tahay

Saxaafadda oo loo diiday kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo xiisadi ka dhex taagan tahay

Muqdisho (Madal Furan) – Wararka laga helayo xarunta Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Suxufiyiinta ku sugan xarunta baarlamaanka loo diiday inay gudaha u galaan hoolka shirka Baarlamaanka loogu tala galay.

Arrintan ayaa waxaa loo aaneynayaa buuqa iyo kacsanaanta ka jirta hoolka gudihiisa iyo sidii aysan weriyayaashu si fudud ugu baahin rasnaanta ka jirta Xildhibaanadda Baarlamaanka DFS.

Xildhibaanadda ku sugan hoolka shirka loogu tala galay ayaa qaarkood soo gudbinayaan sawiro iyo Video yaryar oo ay ku muujinayaan sida wax u socdaan, balse ma jirto wakaalado madax banaan oo si dhab ah u soo sheegi kara sida wax u socdaan.

La Soco Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *