Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Laba Guddoomiye Baarlamaan, Laba Mooshin iyo Laba Xoghaye, (Xaaladda Baarlamaanka Somaliya Labooy Laba qabo)

Laba Guddoomiye Baarlamaan, Laba Mooshin iyo Laba Xoghaye, (Xaaladda Baarlamaanka Somaliya Labooy Laba qabo)

Muqdisho (Madal Furan) – Warar lagu kasoon yahay oo ay soo tebiyeen Xildhibaano gudaha u galay xarunta Baarlamaanka DFS ayaa Madal Furan u sheegay in madasha shir gudoonka Baarlamaanka la dhigay oo keliya Laba Kursi oo ay muuqato in loogu tala galay Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad iyo Ku Xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Miiska shir Guddoonka ayaa u muuqata inay noqon doonto goobta ugu horeysa ee muranku ka dhalan doono, kadib markii Guddoomiye Jawaari loo diido inuu kursigiisa loo soo celiyo.

Waxaa kaloo iyana meesha laga saaray Xoghayihii Guud ee Baarlamaanka oo Guddoomiye ku xigeenka 1aad uu ku eedeeyey inuu dhex baabaceeyey mooshinka iyo siyaasaddaha ay Xildhibaanada Baarlamaanku isku haystaan.

Waxaa shaqada Xoghayaha qudheeda isku haysta Xoghayihii hore iyo ku xigeenkiisa oo lagu amray inuu si KMG u sii wado shaqada.

Dhinaca kale waxaa la isku haystaa Laba Mooshin oo kala aragti duwan oo ay kala wataan Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye Muudey.

Guddoomiye Muudeey ayaa miiska waxaa u saaran in la qaado mooshinka lagu ridayo Guddoomiye Jawaari, balse Guddoomiye Jawaari ayaa doonaya in Ajandaha shirku uu noqdo arrinta ku saabsan derbiga Kenya ay ka dhisayso xadka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Beled Xaawo.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa walaac fara badan laga muujinayaa waxa ay ku danbeyn doonto arrimahan Laba Laba ah ee iska soo horeeda.

Isha ku hay Madal Furan.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.