Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Diyaarad loo shakiyey inay hub u siday ururka Al-shabaab oo ku degtay meel u dhow xadka Somaliya iyo Kenya

Diyaarad loo shakiyey inay hub u siday ururka Al-shabaab oo ku degtay meel u dhow xadka Somaliya iyo Kenya

Muqdisho (Madal Furan) – Wararka ka imaanaya deegaanka Beled Xaawo ayaa sheegaya in xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku soo degtay diyaarad nooca Milateriga ah oo siday noocyo hub ah oo kala duwan.

Diyaaradan ayaa la sheegay in u ekeyd kuwa milateriga Mareykanka balse ay isticmaalaan shirkadda lagu magacaabo Black Water ee la shaqeysa sirdoonka dalka Mareykanka.

Dadka deegaanka Buulo Xaawo ayaa xaqiijinaya in diyaaradaas laga rogay hub fara badan oo aan la ogeyn halka loo waday, waxayna cabsi ka muujiyeen in hubkaas loo gacan geliyey dagaalyahanada ururka Al-shabaab ee ka dagaalama waddanka Soomaaliya iyo weliba Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in diyaaradaasi ay ku degtay dhul hawd ah, isla markaasna ay ka muuqatay calaamadaha Milateriga Mareykanka.

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiijin kara halka uu aaday hubka ay diyaaradasi siday, balse waxaa cad in dowladdaha Somaliya iyo Kenya midna warbixin wanaagsan ka haynin diyaaradan iyo hubka ay siday halka uu aaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.