Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Ruushka oo ficilada reer Galbeedka ku tilmaamay sheeko caruureed

Ruushka oo ficilada reer Galbeedka ku tilmaamay sheeko caruureed

Madal Furan – Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka , Sergei Lavrov,ayaa sheegay in wadamada reer galbeedka ay wadaan sheeko caruureed marka ay Ruushka ku eedeeynayaan in ay sumeeyeen nin horey uga tirsanaa sirdoonkooda.

Mr Lavrov oo saxafadda la hadlayay ayaa sheegay in baaxadda uu muranka gaaray aysan ahayn mid Ruushka ku xiran.

Waxa uu Britain iyo Mareykanka ku eedeeyay in ay meel iska dhigeen dhammaan dabeecadihii la aqbali karay.

Ruushka ayaa beeniyay in ay masuul ka ahaayeen weerarkii loo adeegsaday Sunta waxyeeleysa neerfooyiinka ee loo gaystay Sergei Skripal iyo gabadhiisa.

In ka badan 20 dal ayaa ceyriyay dublamaasiyiintii Ruushka, iyaga oo ka jawaabayay sumaynta Sergei Skripal .

Ruushka ayaa dhankooda ceyriyay dublamaasiyiin u dhashay dalka Mareykanka.

Dhanka kale xukuumadda Moscow ayaa ururka mamnuucidda hubka Kimikada waxay u gudbiyeen tira su’aalo ah.

Ruushka ayaa daalbaday in laa xaqiijiyo eedeeynta Britain ee ku aadan dhacdadan.

Khubarada u kuur gala arrintan ayaa sheegay in tillaabooyiinka Ruushka iyo wadamada reer galbeedka ay u muuqdaan kuwa la mid ah kuwii dagaalkii qaboobaa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *