Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:- Dhisme ku soo dumay shaqaalihii ka shaqeynayey

SAWIRO:- Dhisme ku soo dumay shaqaalihii ka shaqeynayey

Muqdisho (Madal Furan) – Ku dhowaad Saddex qof ayaa ku geeriyooday Lix kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray dhisme ku soo dumay shaqaalihii ka shaqeynayey.

Goobta dhibaatadu ka dhacday ayaa la sheegay inay aheyd halkii ay ku taalay Shileemo la oran jiray Ekwatoore oo ku taal magaaladda Muqdisho, halkaasoo laga hirgelinayey dhisme cusub.

Wararka laga helayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya inay jiraan dad la la’yahay raq iyo ruux oo loo maleynayo inay dhismaha ku hoos jiraan.

Kooxaha gargaarka deg dega ah ayaa durba gaaray goobta dhibaatadu ka dhacay, waxaana gacan ka geysanaya dadweyne fara badan oo ka ag dhowaa halkaas, lamina oga ilaa iminka sida shilkani u dhacay.

Sawiro Daawo:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *