Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > AKHRI:- Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka DFS oo shaqo joojin lagu sameeyey

AKHRI:- Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka DFS oo shaqo joojin lagu sameeyey

Muqdisho (Madal Furan) –  Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux Gudoomiye kuxigeenka 1aad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey uu soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojinayo.

Qoraalka Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa ka muuqday eedeyn ah in Xoghayuhu uu dhexda kaga dhacay khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka ka dhax jira iyo inuu awoodda maamulka si khaldan u adeegsaday.

Kuxigeenka Xoghayaha guud ee golaha shacabka Maxamed Cabdulaahi Cabdi (Ciyow) ayaa Guddoomiye Muudeey ku amray inuu shaqada Xoghayaha si KMG ula wareego.

Tallaabadan ayaa waxay muujineysaa in weli ay meesheedii taagan tahay khilaafkii ka dhex aloosnaa Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *