Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Ciidamadii la geeyey dhismaha Baarlamaanka oo dib looga qaaday

Ciidamadii la geeyey dhismaha Baarlamaanka oo dib looga qaaday

Muqdisho (Madal Furan) – Wararka ka imamanaya magaaladda Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Xarunta Baarlamaanka DFS laga daadgureynayo ciidamo la sheegay in ay Xukuumadda Soomaaliya horay halkaas u geysay, kuwaasoo awoodii ammniga xarunta Baarlamaanka kala wareegay ciidamaddii horay halkaas u joogay.

Tirada ciidamaddan ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin Boqol Askeri oo Boolis ah, waxxaana Guddoomiye Jawaari horay ugu eedeeyey in Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka danbeeyey in ciidamadaasi ay la wareegaan ammniga xarunta Baarlamaanka.

Dib-u-celinta ciidamadan ayaa la rumeysan yahay inay qayb ka tahay dadaalka dib loo hagaajinayo khilaafka ka dhex tollan Xildhibaanada Baarlamaanka oo gaaray meel aad u sareysa, balse wax yar oo horumar ah laga gaaray kadib markii uu soo dhex galay Madaxweyne Farmaajo.

Lama sheegin in ciidamaddii horay u ilaalin jiray ammaanka Xarunta Baarlamaanka DFS in dib loogu celinayo iyo in kale, balse tallaabadan ayaa waxay muujineysaa debecsanaan ka timid dhinaca Xukuumadda kadib markii uu meel ciriiri ah galay mooshinkii la doonayey in lagu rido Guddoomiye Jawaari.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *