Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Go’aankii joojinta dhismaha derbiga Balad-xaawo oo dhaqangalay

Go’aankii joojinta dhismaha derbiga Balad-xaawo oo dhaqangalay

Gedo (Madal Furan) –  Dadaalo ku aadan dhaqangelinta go’aanadii madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadanaa joojinta dhismaha derbiga Balad-xaawo ayaa soconaya,iyadoo ay si wada jir ah u wadaan qosrhahaasi mas’uuliyiin ka kala socotay labada dhinaca.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed ayna kamid yihiin Maamulada   Degmooyinka Mandheera  iyo Beled Xaawo  ayaa  kormeer ku tagay  xadka ay wadaagaan labada  Dal ee  Soomaaliya  iyo Kenya,iyagoo u kuuragalaya  dhaqangelinta  go’aankii lagu joojiyay  dhismaha  Darbiga  ee ay  gaareen madaxweynayaasha labada dal.

Mas’uuliyiintani ayaa ku soo wareegay xadka  labada dhinac, waxaana ujeedadoodu ay ahayd u kuur gelidda dhaqangalka go’aankii joojinta dhismaha oo ay kal hore ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa markii ay ku soo wareegeen xadka waxa ay bulshada u sheegeen in dhismaha la joojiyay oo uu dhaqan galay heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo xusay in labada Madaxweyne ay markale balansanyihiin sidii ay kulan fool ka fool ah u wada qaadan lahaayeen oo lagu dhameystirayo heshiiska is fahamka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed ayaa u sheegay shacabka labada dhinac inay is dejiyaan oo aysan dhegan wararka been abuurka ah ee sheegay in uu socda dhimaha Kenya ay ka wado xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Wariye Maxamad  Macalin   Aadan

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *