Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Qoraal uu Guddoomiye Jawaari uu ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo

Qoraal uu Guddoomiye Jawaari uu ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Madal Furan) – Gudoomiye Jawaari ayaa goor dhoweyd soo saaray qoraal uu si kulul ugu eedeynayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari oo beri loo ballansan yahay in xilka laga qaado ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku eedeeyey inuu yahay nin xilkii ka saarnaa ilaalinta Mabaa’diida Aasaasiga ka saarnaa Dastuurka Qaranka, wuxuuna ka digay inuu isagu masuul ka noqon doono wixii arrimo ammni iyo xasilooni darro siyaasadeed ee ka dhasha habdhaqankaas waxaa masuuliyadeeda u qaadi doona Madaxweynaha JFS

Ciidamo ka amar qaata Xukuumada FS ayuu qoraalka ku sheegay Guddoomiye Jawaari inay la wareegeen Xarunta Golaha Shacabka, waxaana lagu sheegay qoraalka  in waxii dhibaato ah oo yimaada uu masuul ka yahay Madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka akhri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *