Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > AKHRI:- Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka DFS oo soo saaray Amar hubka ka mamnuucaya kulanka beri ee Xildhibaanada Baarlamaanka

AKHRI:- Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka DFS oo soo saaray Amar hubka ka mamnuucaya kulanka beri ee Xildhibaanada Baarlamaanka

Muqdisho (Madal Furan) – Qoraal goor dhoweyd ka soo baxay xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey ayaa Xildhibaanadda Baarlamaanka DFS loo sheegay inaysan wax hub ah la soo geli Karin xarunta gudaheeda.

Qoraalkan ayaa lagu socodsiiyey dhamaan Laamaha ammniga Qaranka, sida Taliyayaasha Booliska, Nabad-sugida Taliyaha ciidamadda AMISOM iyadoo la ogeeysiiyey Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo .

Waxaa kaloo qoraalkan lagu amray in Xildhibaanadu ay Ilaaladooda uga soo tagaan banaanka xarunta Baarlamaanka, maadaama ammaanka xarunta Golaha Baarlamaanka loo xilsaaray Ciidamadda Booliska soomaaliyeed.

Horay waxaa caado u ahaan jirtay in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisuba ay ilaalada la geli jireen gudaha Baarlamaanka, balse tallaabadan ayaa u muuqata mid Guddoomiye Jawaari loogu dardaaran werinayo inaysan xarunta Baarlamaanka gudaheeda aysan ka dhici Karin wax amniga wax u dhimaya.

Hoos ka akhri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *