Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Wadooyinka Muqdisho oo loo xiray, iyadoo beri codka kalsoonida loo qaadi doono Guddoomiye Jawaari

Wadooyinka Muqdisho oo loo xiray, iyadoo beri codka kalsoonida loo qaadi doono Guddoomiye Jawaari

Muqdisho (Madal Furan) – Goobo badan oo ka mid ah jidadka magaaaldda Muqdisho ayaa maanta laga joojiyey isticmaalka isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha, kadib markii la soo tuumiyey ciidamo aad u fara badan.

Ciidamadan ayaa lagu arkay wadooyinka halbowlaha u ah isticmaalka gaadiidka iyo isu socodka dadweynaha ee Maka Al-mukarama, Tarabuunka, Jidka Wadnaha, Bakaaraha, Hawl-wadaag, shaqaalaha, Lambar Afar iyo wadooyin kale oo muhiim ah, waxaana ciidamadaasi ay ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka iyo qoryaha darandrooriga u dhaca.

Wadooyinka ay ciidamadani xireen ayaa waxaa ka mid ah jidadka aan laamiga aheyn ee ay isticmaalaan gaadiidka shacabka, waxaana galabta magaalada Muqdisho laga dareemayaa isbedel weyn oo la xiriiraa dhinac amniga.

Lama sheegi karo sababta dhalisay in la xiro dhamaan waddooyinka muhiimka u ah magaaladda Muqdisho, balse waxaa laga war qabaa in maalinimadda beeri ah oo Sabti ay ku began tahay maalintii uu Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka DFS C/weli Sheekh Ibraahin Muudeey uu iclaamiyey kulanka Baarlamaanka ee looga qaadaa dhigi doono mooshinka xilkaqaadista Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaano taageersan ayaa si weyn waxay uga soo horjeedaan in go’aankaasi uu yahay mid sharci ah maadaama uu dhaafay mudadii uu qabay Dastuurka ee 10ka maalmood aheyd..

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.