Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Guddoomiye Jawaari: (Ma jirin mooshin kheyre laga waday balse wuxuu dagaalka ka bilaabay meel cidlo ah)

Guddoomiye Jawaari: (Ma jirin mooshin kheyre laga waday balse wuxuu dagaalka ka bilaabay meel cidlo ah)

Muqdisho (Madal Furan) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa habeenimadii xalay shir Jaraa’id oo ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, ku sheegay in wax walba lagu dhemeeyey Dastuurka dalka u degan.

Guddoomiye Jawaari ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed wax uu ku tilmaamay dhabar adeygii ay ka muujiyeen khilaafkii ka dhashay Golaha Shacabka DFS.

Guddoomiye Jawaari ayaa Xukuumadda wuxuu mar kale ugu baaqay inay ciidamada ay geeyeen Xarunta Golaha Baarlamaanka ay ka qaadaan, wuxuuna ku tilmaamay inay tallaabadaasi aheyd tii ugu horeysay inta la xasuusto oo ka dhacda Soomaaliya.

Waxaana hadalkii Guddoomiye Jawaari uu arrintaas ka yiri u dhignaa sidaan “Weli ma dhicin in Xaruntii Baarlamaanka ee xurmadda lahayd ciidan la dul dhigo, amniga xarunta wuxuu saaran yahay guddoonka, hase yeeshee arrinta lagu kacay ma qurux badna, waxaan ugu baaqayaa laanta fulinta iney fara gelinta ka deyso Baarlamanka kana dul-qaado ciidamada”.

Guddoomiye Jawaari oo wax laga weydiiyey mooshin la sheegay inuu ka waday Raysal Wasaare Kheyre ayuu sheegay inuusan jirin balse uu uu dagaalka ka bilaabay meel cidlo ah, wuxuuna ku tilmaamay nin wanaagsan oo dowladnimada jecel balse ay uu qaatay tallada dadkii wax burburiyayaasha ahaa ee burburiyey Baarlamaankii 8-aad.

“Ma jirin wax mooshin ah oo laga waday raisul wasaaraha meel cidlo ah ayaa lagu dagaal geliyay, waxaan leeyahay arrinta dhulka dhig, waa nin dowladnimada jecel oo shaqeynaya, laakiin wuxuu ka talo qaataa Injineeradii ku soo takhasusay burburinta Baarlamaankii 8-aad” yuu yiri Guddoomiye Jawaari

Guddoomiye Jawaari ayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ilaaliya Qaranimada, hantida ummadda iwm, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan wixii keeni kara in Baarlamaanku burburo.

Wuxuu kaloo Xukuumadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay faragelinta Golaha Baarlamaanka ay ku wadaan ka joojiyaan, sida ayuu yiri Baarlamanka aysan wax faragelin ah iyo carqalad ugu geysan xukuumadda inay shaqadeeda ku taageeraan maahee.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *