Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Mechael Keating oo la kulmay Ra’isul Kheyre.

Mechael Keating oo la kulmay Ra’isul Kheyre.

Muqdisho (Madal Furan) – Iyadoo ay sii kordheyso xiisadda siyaasadeed ka dhex aloosan Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mechael Keating uu  la kulmay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha ay Labadan masuul ka wada hadleen ayaa la filayaa inay ugu weyn tahay in la helo waddo sahli karta in la xaliyo khilaafka siyaasadeed oo la rumeysan yahay inuu Raysal Wasaare Kheyre uu qayb libaax ka yahay khilaafka u dhexeeya Xildhibaanadda DFS.

Michael Keating ayaa bartiisa uu Internetka ku leeyahay ee Twitterka soo dhigay inay Raysal Wasaare Kheyre ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay amniga, siyaasaadda, Dhaqaalaha iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Ma jirto warar madax banana oo si fiican u sharaxaya wadahadalka dhex maray Raysal Wasaare Kheyre iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Kulanka Michael Keating uu la yeeshay Raysal Wasaare Kheyre ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xiligan ay jirto Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya kala qaybsanaan xoog weyn leh iyo iyadoo ay Hayaddaha dowladda FS ay saameysay khilaafka Baarlamaanka kadib markii ay shaqadii joojiyeen Wasaaraddo badan oo gacanta ku hayey adeegga dadweynaha.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.