Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > AKHRI GO’AANKAN:-Villa Hargeysa oo looga dhawaaqay inuu burburay mooshinkii Jawaari 28kii bishaan

AKHRI GO’AANKAN:-Villa Hargeysa oo looga dhawaaqay inuu burburay mooshinkii Jawaari 28kii bishaan

Muqdisho (Madal Furan) – Kadib markii la dhegeystay hadalka ka soo baxay Guddiga  Aqalka Sare ee xal-u-helida mushkilada Baarlaamnaka DFS ayna ku sheegeen inuu fashilmay dadaalkii ay kaga jireen xal raadintooda ayaa waxaa iyana go’aan kale ku dhawaaqay Xildhibaanadda u jilbeysan in kursiga lagu difaaco  Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanadan ayaa shaaciyey inuu burburay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, maadaama la dhaafay mudadaii 10ka cisho aheyd ee loogu tala galay in lagu horgeeyo Golaha shacabka

Xildhibaanadan oo qoraal ku soo saaray in Guddoomiye Jawaari uu xilkiisa gudan doono wixii beri ka bilowda, Hoos ka akhri..

1-Inuu buray Mooshinkii Jawaari uuna ku ekaa 28-kii bishan.

2-In berri laga bilaabo shaqadiisa uu wadan doono guddoomiye Jawaari.

3-In ciidamada Boolisku ay sugaan amniga golaha shacabka, mas’uuliyadda xasilooni darradii ka timaadana ay qaadi doonto Xukuumada.

-In Madaxweynaha ilaalin waayey sarreynta sharciga qeybna uu ka qaadanayo mas’uuliyadda waxa dhacaya.

Arintan ayaa sii hurineysa khilaafkii mudooyinkan ka dhex jiray baarlamanka Somalia ee ka dhashay mooshinkan Jawaari laga keenay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *