Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Guddigii Xalinta khilaafaadka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS oo sheegay inuu fashilmay dadaalkoodii

Guddigii Xalinta khilaafaadka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS oo sheegay inuu fashilmay dadaalkoodii

Muqdisho (Maddal Furan) – Saqdii dhexe ee xalay ayaa la soo gabagabeeyey Kulan ay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku lahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Somalia.

Kulankan ayaa looga hadlay khilaafka siyaasadeed eek a soo unkamay Mooshin ay xulufo ka tirsan xildhibaabada Aqalka Hoose ee Golaha  Baarlamaanka ay ka keeneen Gudoomiye Jawaari.

Guddigii Xalinta khilaafaadka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaalikya ayaa sheegay inay burburtay waan-waantii ay wadeen, si loo soo afjaro khilaafka Golaha Shacabka.

Waxay intaas ku dareen in dhinac ka mid ah Labada garab ee uu kala jabay golaha shacabka ay diideen waan-waantii ay wadeen sidaasna uu ku fashilmay dedaalkoodii.

Si dhab ah uma caddeyn dhinaca diiday waanwaanta, waxaase dad xogogaal ahi sheegeen in Xildhibaanada mooshinka ka wada Guddoomiye Jawaari ay u muuqdaan kuwo mintid ku ah mooshinka ay soo gudbiyeen, kuwaasoo lagu xamanayo in Raysal Wasaare Kheyre uu dabada ka soo riixayo.

Warka ka soo baxay Guddiga xal-raadinta ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo la filayey in subaxnimada Sabdtida ee fooda inaga soo haysa ay kulmi lahaayeen Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.