Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Dhegeyso: Magaalo guureysa oo lagu arkay hawadda sare ee degmada Jalalaqsi

Dhegeyso: Magaalo guureysa oo lagu arkay hawadda sare ee degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi (Madal Furan) – Deegaan lagu magacaabo Qoryaale oo 25 Km u jirta magaaladda Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa lagu arkay mucjiso la sheegay in dadka ku nool deegaankaas ay arkeen magaalo dhisan oo guureysa hawadda sare.

Goobjooge la hadlay Saxaafadda ayaa xaqiijiyey in xili makhribnimadii ku dhoweyd ay arkeen mucjisadan, iyadoo uu jiray wakhtigaas roobabow.

Dadka deegaankaas ku nool ayaa qaarkood ka carareen guryihii ay ku noolaayeen kadib markii ay cabsi soo wajahday, qaar kalena waxay la kala baxeen Kutubta Quraanka.

Mucjisadan ma ahayn mid wax dhibaato ah u geysatay deegaanka lagu arkay, waxaana magaaladaas guuraysa ay u dhaaftay dhinaca Koofureed.

Dadkii arkay dhacdadan ayaa sheegay inay indhahooda ku arkeen, guryo dabaqyo ah, masaajidyo,  dhir waaweyn, matooro iyo guud ahaan arrimaha magaalo lagu yiqiin, balse ma aysan sheegin wax noole ah oo magaaladaas la socoday.

Halkan ka dhegeyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.