Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Xildhibaanad caawa lagu dilay magaaladda Muqdisho

Xildhibaanad caawa lagu dilay magaaladda Muqdisho

Madal Furan – Xildhibaanad lagu magacaabi jiray Ruqiyo Abshir oo ka mid ahayd xubnaha Baarlamaanka Maamul goboleedka Koofur galbeed ee Soomaaliya ayaa  8dii fiidnimo ee caawa ay  dabley bastoolado ku hubeysani ay ku dileen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka Koofur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa saxaafadda u xaqiijiyey geerida Ex Xildhibaanad Ruqiyo.

Marxuumadda ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay goob aan ka fogeyn guriga ay deganeyd oo ku yaalay degmada Shibis, iyadoo ay kooxdii dishay ku fureen xabado ka dhacayey bastoolado ay dilkeeda u adeegsadeen.

Waxaa la sheegay in Xildhibaanada dilkeedu uu ahaa mid qorsheysan, waxaana lagu soo waramayaa inay baxsadeen gacan ku dhiiglayaashii dilkaas geystay, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyey cidda ka danbeysay dilkeeda.

Xildhibaanad Ruqiyo ayaa la sheegay inay aheyd markii ugu horeysay nolosheeda oo ay ku soo dhex milanto arrimaha siyaasadda Soomaaliya ka jira.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *