Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo muwaadiniinta Soomaalida inay taxadaraan u sheegay

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo muwaadiniinta Soomaalida inay taxadaraan u sheegay

Qaahira-(SONNA)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar Amb: C/qani Maxamed Wacays ayaa ku war geliyay Soomaalida Dalkaasi ku nool in ay taxaddar muujiyaan Saddexda Maalin ee ay doorashadu socoto, wuxuuna kula dar-daarmay inaysan marnaba ka tagin aqoonsiyadooda, si ay  Safaaradda u soo wacaan haddii ay dhibaato la kulmaan.

Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa ku dedaaleysa inay ka warqabto muwaadiniinteeda ku nool Masar, taa oo suurto galineysa in ay iska warqabaan safaaradda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee daggan Masar.

Doorashooyinka ka socda Dalka Masar ayaa lagu wadaa inay soo gaba-gaboobaan Berrito oo Arbaco ah, iyadoo natiijadana la shaacin doono Labada illaa Saddexda Bisha April ee Sanadkan 2018-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *