Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Ururuka Al-shabaab oo si adag uga hadlay derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xadka soomaaliya

Ururuka Al-shabaab oo si adag uga hadlay derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xadka soomaaliya

Muqdisho(Madal Furan) ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay hadal ka soo saaray derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduuda u dhexeysa Labada dal iyo dibaatada ay ka geysteen degmada Beled Xaawo.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Maxamuud Cali Raage (Cali dheere) oo u waramay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka ururka Al-shabaab ayuu ka sheegay inay si dhaqso ah ugu jawaabi doonaan xadgudubka ay dowladda ka wado degmadda Beledxaawo, wuxuuna intaas ku daray inay Kenya ka difaaci doonaan Xadka Soomaaliya.

“Ma aha markii ugu horeysay ee Kenya ay qabsaato dhul Soomaaliyeed, laakiin Al-shabaab waxay qabsan doonaan dalka Kenya si xalka Soomaaliya u soo degdego” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sheekh Cali Dheere wuxuu eedeeyey maamulka Jubbaland oo uu sheegay inuu ka aamusay dhibataada dalka Kenya ka wado xadka Soomaaliya, wuxuuse tilmaamay in ururka Al-shabaab ay ku filan yihiin inay Kenya ka difaacaan xadka Soomaaliya, aysana aqbali doonin hal Taako oo ka mid ah dhulka Soomaaliya inay qabsadaan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *