Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Amiirka Qadar oo wadahadallo xasaasi ah la leh Madaxweyne dalka Ruushka

Amiirka Qadar oo wadahadallo xasaasi ah la leh Madaxweyne dalka Ruushka

Doxa (Madal Furan);- Amiirka dalka Qadar Sheikh Tammiim Bin Hamad Al-Tani ,ayaa maanta dalka Raashiya wadahadal kula leh Madaxweyne Vladamir Putin ,kadib markii uu shalay gaaray dalkaasi.

Kulanka maanta ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa qodobo ay ka mid yihiin xal u helidda dagaalada ka socda dalka Suuriya,arrimaha ka taagan dalka Yemen iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka reer Falastiin

Safarka Sheikh Tamim ee dalka Raashiya waxaa ka horeeyay Taleefan dhinaca khadka isgaarsiinta ah oo horaantii bishaan dhexmaray madaxweyne Putin iyo  dhaxal sugaha Abu Dhabi Prince Mohammed bin Zayed iyo sidoo kalemid bishii Febraayo lala yeeshay boqorka Sacuudiga Salmaan.

Putin iyo Sheikh Tamim waxaa ay sidoo kale ka wadahadli doonaan mowqifka xukuumadda Mosko ee madaxweyne Bishaar Al-asad,taageerda Qadar ay u fidiso mucaaradka Suuriya iyo suurta galnimada sida Qadar ay uga qeybgali karto dib u dhiska dalka Suuriya.

Ruushka ayaa loo maleeyaa ama u muuqda mid dhexdhexaad ka ah xiisadaha ka taagan Gacanka,hasa yeeshee sanadkii tagay waxa uu dalka Qadar ka caawiyay dhinaca raashinka ku raran maraakiibta ee laga dajiyay dekedaha dalkaasi,kadib kolkii wadamada khaliijka ay cunaqabateyn ku soo rogeen Qadar.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *