Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > DAAWO:- Xuutiyiinta oo gantaalo ku weeraray garoomada diyaaradaha dalka Sacuudi Carabiya

DAAWO:- Xuutiyiinta oo gantaalo ku weeraray garoomada diyaaradaha dalka Sacuudi Carabiya

Sanca (Madal Furan) Dagaalyahanada Xuutiyiinta ee la dagaalama isbahaysiga uu horkacayo Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay masuul ka yihiin gantaal nooca balastikada ah oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee King Khalid ee magaaladda Riyaad.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa Al-jasiira u sheegay in Gantaalkan Burkan 2-H ay ku rideen magaalada Riyaad oo masafo dhan 800 Km oo ka durugsan xuduuda uu dalka Sacuudigu la leeyahay dalka Yeman.

“Caasimadaha Waddamada had iyo goor sida joogtada ah noo duqeeya, isla markaasna beegsanaya dadka maatada ah oo aan waxba galabsan, waxay wehel u noqon doonaan gantaalahayaga” ayuu yiri Afhayeenku.

Fiidiyow laga duubay oo lagu baahiyey baraha  bulshada ayaa muujiyay qiiqa ka soo baxaya aagga meel u dhaw Garoonka Caalamiga ee King Khalid International ee uu ku dhacay gantaalkaasi.

Waxaa kaloo ay Xuutiyiintu sheegeen inay gantaalo la dhaceen garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Abha iyo Jesan

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay hawada ku qarxisay gantaalo ay dagaalayahanada Xuutiyiintu dhulkooda ku soo tuureen.

Ma aha markii ugu horeysay ee Gantaalaha Blastikada ah ee Xuutiyiintu ay gaaraan caasimadda dalka Boqortooyada Carabta.

D A A W O.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *