Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Xildhibaanada DFS oo lagu wargeliyey kulanka Golaha maalintu uu dhici doono

Xildhibaanada DFS oo lagu wargeliyey kulanka Golaha maalintu uu dhici doono

Muqdisho (Madal Furan) – Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka DFS Xildhibaan C/weli Ibraahin Sheekh Muudey oo sheegay inuu yahay Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Xildhibaanadda ku amaray inay u diyar garoobaan inay ka soo qayb galaan Kalfadhiga 3aad, fadhigiisa 3aad oo la qaban doono 31ka Maarso, Sagaalka subaxnimo.

Kulankan ayuu sheegay in lagu qaban doono xarunta Baarlamaanka DFS iyadoo Ajnadaha looga hadli doonana uu noqon doono Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wuxuu kaloo ka codsaaday Xildhibaanadda ka maqan magaaladda Muqdisho inay ugu danbeyn ku soo galaan magaaladda maalinimada Khamiista oo bisha Marso ay ku beegan tahay 29 si ay u gutaan waajibaadka Dastuuriga ah.

Qoraalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili uu jaahwareer ka jiro mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari iyo meesha lagu qaban lahaa.

Hoos ka akhriso qoraalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.