Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Faahfaahin horudhac ah oo ka soo baxaysa khasaaraha qaraxii galabta ee Muqdisho

Faahfaahin horudhac ah oo ka soo baxaysa khasaaraha qaraxii galabta ee Muqdisho

Muqdisho (Madal Furan) – Ugu yraan 7 qof ayaa ku geeriyooday ilaa iminka inta la xaqiijiyey qarax galabta ka dhacay agagaarka guriga ummadda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee isgoyska Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Dhaawac fara badan ayaa la soo sheegayaa in qaraxaasi u sababay, kadib markii uu halkaas ku qarxay gaari la sheegay inuu ku cabeysnaa walxaha qaraxa balse ciidamadu isku dayeen inay joojiyaan, haseyeeshee qarxay intii aan la joojin.

Masuuliyiin ka tirsan Laamaha amniga dowladda FS ayaa la soo sheegayaa inay halkaas gaareen si ay u soo qiimeeyaan khasaaraha qaraxaas.

Qaraxyada ayaa ku soo badanaya magaaladda Muqdisho tan iyo ka danbeysay khilaafkii soo kala dhex galay siyaasiyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madal Furan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *