Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > DAAWO:- Sarkaal hubkiisu u dhan yahay oo ka goostay Puntland isuna dhiibay Somaliland

DAAWO:- Sarkaal hubkiisu u dhan yahay oo ka goostay Puntland isuna dhiibay Somaliland

Hargeysa (Madal Furan) – Iyadoo ay xiligan sii kordheyso xiisadda colaadeed ee Puntland iyo Somaliland u dhexeysa ayaa maamulka Somaliland soo bandhigeen Sarkaal ka tirsanaa ciidamadda Puntland oo wata gaari nooca dagaalka ah iyo qoryaha sida darandooriga u dhaca oo ay sheegeen inuu ka soo goostay maamulka Puntland.

Sarkaalkaas oo aan magaciisa la sheegin ayaa Taliyaha Hogaanka Abaabulka Somaliland G/shexe C/risaaq Bashiir C Maxamed uu Saxaafadda u sheegay in Sarkaalkaasi uu ka soo goostay maamulka Puntland isagoo wata gaari nooca dagaalka ah.

Wuxuu Taliyuhu intaas ku daray in Sarkaalkani uu dib ugu soo laabtay dalkiisii hooyo, ciidiisii iyo calankiisa, isla markaasna ay filayaan in kuwo kale oo badan oo la khalday ay dib u soo laaban doonaan.

Hoos ka daawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *