Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:- Jawaarii oo Xalane lagu dhex arkay iyadoo Aqalka Sare codsanayo ciidamo AMISOM oo amaankooda ilaaliya.

SAWIRO:- Jawaarii oo Xalane lagu dhex arkay iyadoo Aqalka Sare codsanayo ciidamo AMISOM oo amaankooda ilaaliya.

Muqdisho (Madal Furan) Waxaa la ogaaday in Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu kulamo ku yeeshay xarunta Xalane ee AMISOM.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa kulankan uu la yeeshay Amb. Fransico Madiera oo ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada AMISOM

Wararka laga helayo kulankaas ayaa la sheegayaa in uu Guddoomiye Jawaari kaga codsaday in la geeyo xarunta Baarlamaanka ciidamo ka tirsan AMISOM si ay u ilaaliyaan amaankiisa iyo kan golaha mudada lagu gudajiro codeynta mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari oo la filaayo in dhowaan la qaadi doono.

Amb. Fransico Madiera ayaa la sheegayaa inuu ogolaaday dalabka Guddoomiye Jawaari, uu ku codsaday ciidamadda AMISOM in la geeyo xarunta Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamanaka iyo Xildhibaanada tiirarka u ah difaacida Guddoomiyaha Baarlamaanka Mud. Jawaari ayaa la xaqiijiyey in weheliyeen Guddoomiye Jawaari.

Codsiga Guddoomiye Jawaari uu ku codsaday ciidamo ka tirsan AMISOM in la geeyo xarunta Baarlamaanka DFS ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalinimadii shalay ay Guddoonka Aqalka Sare soo jeediyeen codsi ah in ciidamo amaankooda ilaaliya la geeyo xarunta Aqalka Sare si loo ilaaliyo amaankooda.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *