Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qaydiid oo Guddi loo magacaabay

Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qaydiid oo Guddi loo magacaabay

Muqdisho (Madal Furan) – Kulankii Xildhibaanadda Aqalka Sare ee maanta ayaa lagu magacaabay Guddi baaritaan ku soo sameeya weerarkii ay ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay ku qaadeen guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid uu ka degan yahay magaaladda Muqdisho.

Senator Qaybdiid ayaa dhowr goor ooh ore wuxuu ka cawday in aan xil la iska saarin dhibaatadii ka dhalatay weerarkii gurigisiisa loo geystay, wuxuuna welwel ka muujiyey inuu weli cabsi ka qabo in naftiisa la seejiyo.

Haddaba, Guddiga cusub ee ay Aqalka Sare ee Baarlamaanka soomaaliya magacaabeen ayaa lagu amray inay arrintaas ka sameeyaan baaritaan deg deg ah isla markaasna ku keenaan caddeymo ku taxaluqa weerarkii guriga Senator Qaybdiid ay gudaha ugu galeen guriga xildhibaanka.

Magacyadda Xubnaha Guddiga ee loo Xilsaaray:-

1-Maxamed Amiin Sheekh Cisman Gudoomiyaha Guddiga

2-Axmed Xaashi Maxamuud, Gudoomiye kuxigeenka Guddiga

3-C/saaq Axmed Cali,

4-C/hi Sheekh ismaacil Fartaag

5-Cabdulaahi Cabdi Garuun.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *