Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > DAAWO:- Aqalka Sare oo maanta si kulul uga hadlay derbiga Kenyo ka dhisayso xadka Soomaaliya, iyo Wasiirada ay khuseyso oo loo yeeray

DAAWO:- Aqalka Sare oo maanta si kulul uga hadlay derbiga Kenyo ka dhisayso xadka Soomaaliya, iyo Wasiirada ay khuseyso oo loo yeeray

Muqdisho (Madal Furan) – Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ay ku lahaayeen magaaladda Muqdisho waxay kaga hadleen derbiga la sheegay in dowladda Kenya ay dhisaneyso xadka ay la leedahay dalka Soomaalilya.

Xildhibaanadda ayaa soo hadal qaaday dhibaatadda shacabka magaaladda Buulo Xaawo kala kulmeen arrintaas, waxaana dood dheer oo ay Xildhibaanadu ka yeesheen arrintaas waxayna si weyn ugu dhaliileen Xukuumadda Kheyre inay ka gaabisay wax ka qabashada arrintaas.

Ugu danbeyntii isku raaceen in Golaha la hor keeno Afar Wasiir oo kala ah Wasiiradda Gaanshaadhiga, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda iyo Amniga.

Dowladda Kenya ayaa horay u hakisay dhismaha derbigaas, kadib amrkii ay dowladda Soomaaliya ka wada hadleen, laakiin waxay xiligan ku soo beegtay iyadoo uu khilaaf hareeyey Golayaasha dowladda Soomaaliya, taasoo ay Kenya ula muuqatay fursad ay ku sii wadan karto barnaamijkeeda dhismaha derbiga u dhexeeya iyaga iyo Soomaaliya

D A A W O.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *