Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Qarax loo adeegsaday baabuur oo ka dhacay Masar

Qarax loo adeegsaday baabuur oo ka dhacay Masar

Madal Furan – Qarax loo adeegsaday baabuur lagu soo raray walxaha qarxa ayaa ka dhacay magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay askari katirsan ciidammada booliskaee Masar, waxaana sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in weerarkani lala eegtay sarkaal sare oo katirsan ciidammada ammaanka ee magaaladaasi oo baabuur uu sarnaa marayay goobta uu weerarka ka dhacay.

Weerarkan ayaa imanaya laba maalin kahor xiliga loo asteeyay in Masar ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada. Doorashadan ayaa waxaa ku loolamaya madaxweynaha imika talada haya ee Cabdul Fataax al-Sisi iyo dhowr siyaasiyiin ah oo aan sidaasi loo garaneynin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *