Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Gudoomiye Xisbiga Waddani oo kalsoonidii kala noqday Kumishinka doorashada Somalialand

Gudoomiye Xisbiga Waddani oo kalsoonidii kala noqday Kumishinka doorashada Somalialand

Hargeysa (Madal Furan) War saxaafadeed uu maanta magaaladda Hargeysa ku qabteen xubnaha Xisbiga Waddani ee C/raxmaan Cirro Guddoomiyaha u yahay ayaa lagu sheegay in Xisbigu uu qoraal u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland, kaasoo ay kaga codsadeen in guud ahaan la kala diro Guddiga Doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo War saxaafadeedkan akhriyey ayaa sheegay in Guddigu ay doorashadii iyo diiwaan gelintii dhoweyd Somaliland ka dhacay ay si xun oo musuqmaasuq ah u maamuleen.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay inaysan jirin wax kalsooni ah oo ay ku qabaan Komishinka hadda jira inay doorashe danbe ku qabtaan, wuxuuna caddeeyey in qoraalka ay Madaxwyne Biixi u gudbiyeen kaga codsadeen in Komishinka la kala diro mid cusubna lagu soo magacaabo.

D A A W O

Leave a Reply

Your email address will not be published.